| Shir
Ballaaran oo Jaaliyadda beelaha Hawiye ay shalay ku yeesheen magaalada
London oo baaq laga soo saaray. Ruunkinet 30/03/08
Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 29kii bishan March, 2008 magaalada
London ee dalka Ingriiska lagu qabtay shir si wanaagsan loo soo agaasimay.
Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen wax garad, aqoon yahanno iyo oday
dhaqmeedyo ka socday beelaha Hawiye ayaa waxaa looga hadlay arrimaha
ka jira Soomaaliya iyo xaaladda ay haatan ku sugan tahay.
Shirkan oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomoyaha guddiga beelaha
Hawiye ee UK Sheekh Cali Sheekh Maxamed (Cali Shiine),Cumar Xaaji Xasan
Gardheer, Immaan Sheekh Bashiir Salaad, Cali Caddow (Cali Jarmal), Axmed
Salaad (Sandheere), Maxamed Axmed Dhaqaweyne, Cumar Salaad Cilmi, Cabdi
Dheere, Xaashi Toxob, Cali Xaashi Dhoorre, Axmed Salaad Kulmiye, Abdiraxman
Macalin, Maxamed Cabdi (Afweyne), Dahir Aamin Jeesow, Cabdullahi Sahal
(Cirro), Aweys M. Waasuge, Axmed Xaaji (Cagakoobme), Cabdikarim Dehay,
Khalif Muumin, Maxamed Axmed, Cumar Xaaji Maxamuud, Bare Faarax Rooble,
Mukhtaar Abdirazak, Abdullahi Xuseen Cabdi, Xuseen Nuunow, Cumar Mayle,
Abdullqadir Jamac, Maxamed Axmed Caalin, Axmed Mukhtaar Sheekh (Oodoole),
Cabdiraxman Qanyare, Xasan Xaaji Cumar, Cumar Xaaji, Badre Xalye Cabdi,
Maxamed Xuseen, Wardheere, Xasan Ali (Basey), Cilmi Macalin Axmed (Cirro),
Axmed Geeddi Cilmi, Axmed Ibraahim, Axamed Maxamed Cadde, Cabdullahi
Xasan Cabdi, Ciise Muumin Cali (Abuu Hureeyr), Cabdullahi Cali Cusmaan,
Axmed Xaaji M., Suldaan Cabdullahi Sheekh Cusmaan, Khalif Xersi Cali,
Xasan Cilmi Karshe, Maxamed A Caddaawe, Axmed Matan, Xaaji Cabdi, Axmed
Xuseen Cabdi, Cali Nur Xuseen, Axmed Cabdi Baalle, Cabdi Faarax Jaamac,
Axmed Rashiid Islow, Ismail Xaaji Nuur, Mahad Cabdulle Jumcaale, Matan
Cali Guure, Cabdiwali Jaamac Warsame, Yasin Aden M., Maxamuud Maxamed
Sheekh Gurey iyo wax garad kale oo fara badan.
Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen gogoshana dhigeen beelaha Gaaljecel
iyo Sheekhaal ayaa waxaa furitaanka shirka lagu soo dhaweeyay Xaaji
Cali Shiine oo ah guddoomiyah Jaaliyadda beelaha Hawiye ee UK.
Gabagabadii shirka ayaa waxaa la soo saaray baaq u qoran sidan:
01) In loo tafa xeyto midnimada ummadda Soomaaliyeed ayadoo laga
billaabayo qoys ilaa qaran.
02) In Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya shuruud laaan.
03) In la taageero waanwaanta iyo dib u heshiisiinta ay wadaan raisul
wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nur Cadde) iyo xubnaha la socda ayadoo lala
fariisanayo gogol iyo geed kasta inta ka soo horjeedda jookitaanka ciidamada
Itoobiya si xal waara loo helo.
Wabillahi Towfiiq,
|