|
Baaq
Beesha Muddullood. Ruunkinet
03/03/07
Annagoo ah waxgaradka iyo aqoonyahannada Muddulood ee ku nool qaaradaha
Yurub iyo waqooyiga Ameerika, markaan aragnay dhacdooyinka aan laga
aamusi karin ee ah dilka, dhaawaca tirada badan, kufsiga, qaxa iyo barakicinta
loo geysanayo maatida, waayeelka iyo carruurta, waxaan Guurtida Hawiye
ku taageereynaa sida isku duubnida ah xilkasnimaduna ku jirto oo ay
u goaansadeen inay wadajir uga hortagaan arrimahaas sare ku tilmaaman.
Waxaan hambalyo, boogaadin iyo taageero xambarsan u direynaa si
gaar ah Shirweynaha Guurtida Beelaha Hawiye oo lagu saaray baaq muujinaya
dadaalka ay ugu jiraan sida laysaga difaacayo gardarra ciidammada Tigreega
iyo dabadhilifyadooda la socda. Waxaan kaloo Guurtida hawiye ugu hambalyeeynaynaa
sida ay uga hortageen shirqoollada iyo dibindaabyooyinka siyaasadeed
ee lala damacsanaa shacabka Muqdisho.
Joogitaanka Ciidamada shisheeye waxay sii murjiyeen xaaladda adag
ee Soomaaliya. Waxay kaloo taasi marqaati cad u tahay in kuwa sheeganaya
dawladda in aan loo aamini karin masiir ummadeed sidaas dateedna aysan
ahal u ahayn in loo aqoonsado xal iyo inay dhibaatada dalka ka saaraan.
Waxaa sidoo kale aan cidina is weydiinayn in aflaagaaddada joogto
ah, eryada meel ka dhaca ah iyo eedeymaha aan jirin iyo haddadaadda
iyo cagajugleynta uu Cabdullaahi Yuusuf iyo Ina Maxamed Geedi ay caadada
ka dhigteen iyo ummad dhan oo wuxuush lagu sheego inaysan
ka dhalan karin is aaminaad keenta is cafin horseedi karta dib u heshiisiin
lagu dhisto maamul dawladeed oo loo dhan yahay sinnaan iyo caddaaladna
dalka ku soo dabbaala.
Waxaan ku talinaynaa:
1) In la ogaado difaaca ummadeed ee reer Muqdisho inay tahay xaq aan
cidna laga baryeeyn;
2) In aanan laga aaminin erayada maran ee dawlad ku sheeggu ku sheegeyso
shir dib u heshiisiin mar haddii laga hayo tasriixaadyo aan mar ahayn
aan labo ahayn oo ay ku leeyihiin dib u heshiisiin waa
dhammatay, beelo ayaa dhexdooda ka heshiinaya iyo
shakhsiyaad baa isu imaanaya iwm, iyadoo la wada ogsoon
yahay in arrimo siyaasadeed laysku hayo iyo in si bareer ah loo hareer
marayo axdigii ku meel gaarka ahaa iyo nidaamkii dawladnimo iyo qaabkii
wax wada qaybsi ee lagu soo heshiiyay;
3) In aanan marna dhexdhexaad loo arkin shakhsiyaadka la leeyahay
waxaa loo magacaabay inay maamulaan shirka dib u heshiisiinta ee la
sheegayo mar haddii dhinac ka mid ah dhinacyada is haya uu iskiis u
soo magacawday shakhsiyaadkaas;
4) In waqtiga ku habboon si buuxda afka loogu dhufto iyadoo la iclaaminayo,
in kalsoonida lagala noqday Cabdullaahi Yuusuf iyo kuwa kale ee isku
sheegaya dawladda mar haddii ay ka gaabiyeen gudashadii waajibaadka
qaran ee ahaa in ummadda la nabadeeyo, sharaftii iyo haybaddii ummadeedna
ay haadaan dheer ka tuureen iyagoo dalka ku soo hoggaamiyay cadow una
maleynayeen in adeegsi quwad shisheeye ummadda loogu talin karo;
5) In beesha caalamka laga dalbo in ay iyadu qabanqaabiso shirweynaha
dib u heshiisiinta uuna noqdo mid ka fiyoow faragelin shisheeye laguna
qabto meel dhexdhexaad ah oo dhinacyadoo idil isku aamini karaan si
loogu soo dhiso maamul dawladeed oo hufan xalna u noqon kara dhibaatooyinka
ummaddenna haysta muddada dheer;
6) In shirweynahaas markuu qabsoomo kaddib laga wada hadlo baahida
ciidan nabad-ilaalineed iyo hub uruurin khiyaari ah iyadoo layska illoobayo
riyada Cabdullaahi Yuusuf ee ah hub ka dhigid khasab ah oo beeshiisu
beelaha kale ee Soomaaliyeed hubka ka dhigto iyagoo kaashanaya ciidamo
shisheeye.
Magacyada saxiixayaasha:
1. Axmed Maxamed Maxamuud Warsheikh EUROPE
2. Prof. Xasan Maxamed Cumar OKIYO
3. Inj. Cabdulqaadir Yuusuf Guuleed
4. Dauud Sheikh Amed Gerguduud
5. Xasan Islaaw Axmed
6. Dr Xasan Muxuddiin Xasan Yeberoow
7. Abuukar Cabdulle Dhabareey
8. Cabdicasiis Cumar Maalin
9. Cusmaan Xuseen Dhuunte
10. Inj. C/qaadir Mohamed Abdulle(Madaxey)
11. Ibraahim Hasan Axmed Qalinle
12. Cabdullahi Yalaxow ( Germany)
13. Dr. Abuukar Maxamed (Cadaani).
14. Ahmed Maxamed (Sh. Axmed)
15. Marwo Faaduma Maxamed Nuur
16. Cabdisalaam Cumar Maxamuud Odadile
17. Kornel Axmed Xasan (Axmed Dheere)
18. Abdi Macallin Eybakar
19. Sh. Ibrahim Ahmed Mohamed
20. Muhumad Hassan Toxow
21. Dahir Hassan Mohamud
22. Drs Sahra Axmed Cali
23. Seynab Shekh Cali
24. Nasra Axmed Cali
25. Abdi Ahmed Ali (Ulaas) CANADA
26. Dr. Xasan Maxamed Cali
27. Cabdi Warsame Maxamud
28. Sh. maxamud Warsame Maxamed
29. Dr. Xasan Maxamed Sabriye USA
30. Dr. C/qaadir Yalaxow Hirabe
31. Dr. Cabduraxman M. Axmed Yare
32. Cabdi Cali Maalin Faroole
33. Islaw C/qaadir A. Fiqi (Shombe)
34. Dr. Cisman M Axmed (Dhagacadde)
35. Moxamed Cali Muuse
36. Daahir Moxamoud Cabdulle
37. Dr. Maxamed Cabdulahi Gabayre.
38. Dr Mire Ali Siyad
39. Dr.Amed Ali Ulussow(DHagadheere)
40. Macallin Ahmed M. Halane
41. Abdiazizi Ahmed Mahdi
42. Liibaan Abukar A. Maalin
43. Muhuddiin Abdulqadir A. Fiqi
44. Prof. Mukhtar Abdi Alas
45. Abdi Mohamed Sabrie
46. Yoonis Abukar Yabarow
47. Inj. Cabdurahmaan Osman Turyare
48. C/qaadir Axmedyare Culusow
49. G/le Sare Cabdulahi Cali Macow
50. Mox'ed Cosmaan Mox'ed Siyaad.
51. Dr Comar Gacal
52. Eng Mox'ed Guleed Fiidow
53. Abuukar Yaxye Saney
54. Khaalid C/llahi Cali
55. Gargaar C/llahi Cali
56. Xarbi Mox'ed Xasan Mudey
57. Axmed Xasan Wiif
58. Eng Luul Shekh Cabdi
59. Aweys Moxed Macallin Moxamoud
60. Cabdi Mox'ed Sabriye
61. Liibaan Mox'ed Xasan Geedi
62. Cabdisalaan Cabdullahi Gabayre
63. Xayle Cali Wardheere
64. C/qaadir Muuse Xasan
65. C/qaadir Cosmaan Raage
66. Drs Idil Mox'ed Cali Nuur
67. Drs. Saciida Maxamed
68. Cabdisamad Cagey
69. Fozi Barre Caamir
70. Cosmaan Comar Xuseen
71. Yaasiin Mox'ed Cabdi
72. Yaasiin Cosmaan Mox'ed
73. C/qaadir Mox'oud Mox'ed
74. Axmed Cali Jimcaale
75. Drs Seynab Axmed Cali
76. Eng Maslax Axmed Cali
77. Fuaad Cali C/maan
78. Bashiir Mire Cali
79. Xuseen Weheliye
80. Comar Mox'oud Xalane
81. Liibaan Axmed Cali
82. Mox'ed Axmed Cali
83. Zakariye Mox'ed Cali
84. Jaylaani Shekh Cali
85. Axmed Macallin Idaajaa
86. Drs. Saynab Maxamed Xasan
87. Axmed Cabdulahi Gacal
88. Cabdulahi Maxamed Cali(Shutale)
89. Maxamed Cali Geedi
90. Sheikh Xasan Cali Moxed
91. Islaw Moxamed Nuur
92. Cali Macallim Muuse Kansas
93. Yusuf Carab Maxamed
94. Dr. Cali Maxamed Cumar (Waber)
Prof. Xasan M. Cumar Okiyo
hassanomar952002@yahoo.co.uk;
Taariikh: Marso 29, 2007
|