|
Baaq
ka soo baxay beesha mudulood ee ku dhaqan uk
Kulan aad u balaarnaa ee lagu qabtay magaalada london bishu markeey
ahey 25ki maarso 2007, isuguna yimaadeen jaaliyada mudulood ee ku nool
wadanka ingriiska oo looga hadlaayay arrimo dhowr ah oo la xiriira xaalada
beeshu aay ku sugantahay iyo guud ahaan wadciga siyaasadeed ee uu wadanku
maraayo, ayey isku afgarteen arrimo dhowr ah.
Marka hore, waxey jaaliyada ugu baaqeysaa in la ilaaliyo midnimada
iyo isku duubnida beesha mudulood, lagana hor tago jufa jufeynta ama
qoloqoleynta lagu kala qoqobayo beesha, ayadoo looga danleeyahay in
lagu wiiqo caqliga, curintooda siyaasadeed iyo weliba cududooda iska
caabinta cadowga.
In aqoonyahanada beesha aay ku baraarujiyaan walaahood ka qeybgalka
difaaca dalka.
in lagu baraarujiyo jaaliyadaha mudulood ee dibada iyo gudahaba
ku nool wax ka qabashada dhibaatooyinka beesha dhexdeeda ah oo aay abuureen
dad wax ma garata ah.
Waxey jaaliyada dhaleeceyn xoog leh u soo jeedisay qaar ka tirsan duqeyda
abgaal oo si aan gabasho laheyn 17 sano ka dib aburay gole guurti si
aay u baabi'yaan wadajirka iyo waalnimada mudulood.
Waxey jaaliyada cambaareyneysaa faragelinta dawlda itoobiya uguna
baaqeysaa iin aay cidamadeeda kala baxado dalka soomaaliya.
Waxey jaaliyada aay amaan iyo bogaadin u soo jeedineysaa gudoomiyaha
beelaha hawiye haji Abdi Iimaan Cumar iyo walaalahiisa mudulood ee gartay
inaaney hawiye kala maarmin.
Waxey ugu danbeynti jaaliyadu amaan u soo jeedineysaa duqeyda hawiye
oo u istaagay cabsi la'aan in aay la dagaalamaan cadowga umada soomaaliyeed,
una horseedaan umada soomaaliyeed sidii loogu soo celin lahaa qaranimadoodii
iyo ka talinta aayaha ubadka soo koraaya.
wabilaahi towfiiq.
kala xiriir.
A.a. faarax
raas114@hotmail.com
|