|
BAAQ CAMBAAREYN AH EE KA SOCDA WAXGARADKA
IYO AQOONYAHANNADA MUDDULOOD. Ruunkinet 27/02/06
(Click)
25 February 2007
Annagoo ah waxgaradka iyo aqoonyahannada Mudulood ee ku nool Waqooyiga
Amerika iyo Qaaradda Yurub, waxaan cambareyn kulul u soo jeedineynaa
dowladda Ethiopia oo cidamadeedu u soo galeen si xeerka caalamiga ah
ka baxsan dalka Soomaaliya kuna amartay si bani'aadanninimada ka fog
in ay xasuuq u geystaan maatida iyo guud ahaanba shacbaka Soomaaliyed
iyagoo adeegsanaya hoobiyayaal iyo madaafiicda culculus taasoo loola
jeedo in barakac, ciribtir iyo burbur loogu geysto dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa nasiib darro ah in Madaxda DKMG laga waayay dareen
iyo u damqasho ku aadan badbaadinta dadweynaha Soomaaliyeed iyagoo waliba
sheeganaya in ay dalka iyo dadka mas'uul ka yihiin kuna mashquulay is
qabqabsi dhexdooda ah iyo abaabul shirar beeloodyo ma dhalays ah si
ay ummadda u kala geeyaan, gaar ahaan beesha Muddulood.
Waxaa xusid mudan in shaqsiyaad dabadhilif ah oo huwan magaca dowlad
ku sheegga iyo kuwo kaloo iyaga u adeega ay beryahan hurinayaan falal
colaadeed iyo iska horimaad dadweynaha walalaha ah ee Muqdisho ku wada
nool, iyagoo ujeedadoodu tahay in ay carqaladeeyaan nabad ku wada noolaanshaha
shacbaka dhexdiisa ah, waxayna u adeegayaan danaha iyo siyaasadda cadawga
Somaaliyeed taasoo macnaheedu yahay " QAYBI OO XUKUN"
Haddaba waxaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay taageeraan hiil
iyo hooba naftoodhurayaasha u istaagay iska caabbinta cadowga dalkooda
qabsaday iyo inay adkeeyaan MIDNIMADOODA meelna uga soo wada jeestaan
iyagoo iskuduuban difaaca diintooda iyo dalkooda hooyo si ay dib ugu
hantaan xorriyadoodii iyo madaxbannaanidoodii ay curiyeen halyeeyadii
gobanimadoonka Somaaliyeed ahaa, halhayskooduna uu ahaado " Soomaaliyaan
u dagaallamaynaa, kufriga soo degay diida leennahay" sida laga
haayo Abwaan Sheikh Axmed Gabyoow (Wacdiyoow). Gaar ahaan beesha Muddulood
ee aan ka dhalannay ee tashwiishka gaarka ah lagu furay waxaan ugu baaqaynaa
inay ka digtoonaadaan dibindaabooyinka lagula damacsan yahay shirarka
socda, magac kasta ha lagu sheegee, oo ay wadaan xubno ka tirsan dawlad
ku sheegga xasuuqa u horseedeysa ummadda oo adeegsanaya shakhsiyaad
shalay kuwa dawladda sheeganaya ugu haanyooday Afgooye markii ay soo
marayeen oo la oran karo hebel iyo hebel.
Waxaan Dowladda Ethiopia ugu baaqeynaa in ay ciidamadooda dhulka Soomaliyeed
kala baxaan iyadoo la tiixraacayo lana dhowrayo Axdiga Qaramada Midoobay,
kan Midowga Afrika iyo Go'aammada Golaha Ammaanka ee Q.M 1725 (2006).
Ugu dambeyntii waxaan TACSIYO murugo leh u direynaa dhammaan dadkii
ku geeriyooday madaafiicdii ay soo tuureen ciidamada Ethiopia ee ku
sugan mgaalada Muqdisho, waxaan Ilaah uga baryeynaa in uu naxariisti
janno ka waraabiyo, sidoo kale waxaan Ilaah uga baryeynaa in uu caafimaad
degdeg ah siiyo dadka ay dhaawacyadu ka soo gaareen xasuuqyadaas.
Saxiixayaasha:
1. Inj. Cali Maxamed Cumar (Madaxey) USA
2. Inj. Abdulqadir Mohamed Abdulle(Madaxey) EUROPE
3. Dr. Xasan Maxamed Sabriye USA
4. Dr. Axmed Maxamed Maxamuud Warsheikh EUROPE
5. Prof.Hassan Maxamed Cumar Okiyo EUROPE
6. Dr. Cabdulqadir Yalahow Hiraabe USA
7. Dr. Cabdiraxman M Axmed (Yare) USA
8. Dr. Abuukar Maxamed (Cadaani). EUROPE
9. Ahmed Maxamed (Sh. Axmed) EUROPE
10. Cabdi Cali Faroole USA
11. Islaw Cali Abdulqadir A. Fiqi (Cali Shombe) USA
12. Dr. Cisman M Axmed (Dhagacadde) USA
13. Marwo Faaduma Maxamed Nuur EUROPE
14. Inj. Cabdulqaadir Yuusuf Guuleed EUROPE
15. Ibraahim Hasan Axmed Qalinle EUROPE
16. Dauud Sheikh Axmed garguduud EUROPE
17. Hassan Islaaw Axmed EUROPE
18. Cabdisalaam Cumar Maxamuud Odadile EUROPE
19. Dr. Maxamed Cabdulahi Gabayre. USA
20. Dr Mire Ali Siyad USA
21. Amed Ali Ulussow(DHagadheere) USA
22. Macallin Ahmed M. Halane USA
23. Abdi Aziz Ahmed Mahdi USA
24. Liibaan Abukar A. Maalin USA
25. Mohamed Yusuf Afrah CANADA
26. Muhuddiin Abdulqadir A. Fiqi USA
27. Prof. Mukhtar Abdi Alas USA
28. Abdi Mohamed Sabrie USA
29. Abdi Ahmed Ali (Ulaas) CANADA
30. Yoonis Abukar Yabarow USA
31. Abdi Macallin Eybakar EUROPE
32. Inj. Cabdurahmaan Osman Turyare USA
33. Sh. Ibrahim Ahmed Mohamed EUROPE
34. Muhumad Hassan Toxow EUROPE
35. Dahir Hassan Mohamud EUROPE
36. Dr. Xasan Maxamed Cali CANADA
37. C/qaadir Axmedyare Culusow USA
38. G/le Sare Cabdulahi Cali Macow USA
39. Mox'ed Cosmaan Mox'ed Siyaad. USA
40. Dr Comar Gacal USA
41. Eng Mox'ed Guleed Fiidow USA
42. Abuukar Yaxye Saney USA
43. Khaalid C/llahi Cali USA
44. Gargaar C/llahi Cali USA
45. Xarbi Mox'ed Xasan Mudey USA
46. Mox'ed Cabdullahi Gabayre USA
47. Axmed Xasan Wiif USA
48. Eng Luul Shekh Cabdi USA
49. Aweys Moxed Macallin Moxamoud USA
50. Cabdi Mox'ed Sabriye USA
51. Liibaan Mox'ed Xasan Geedi USA
52. Cabdisalaan Cabdullahi Gabayre USA
53. Xayle Cali Wardheere USA
54. C/qaadir Muuse Xasan USA
55. C/qaadir Cosmaan Raage USA
56. Drs Idil Mox'ed Cali Nuur USA
57. Cabdisamad Cagey USA
58. Fozi Barre Caamir USA
59. Cosmaan Comar Xuseen USA
60. Yaasiin Mox'ed Cabdi USA
61. Yaasiin Cosmaan Mox'ed USA
62. C/qaadir Mox'oud Mox'ed USA
63. Axmed Cali Jimcaale USA
64. Dr Axmed Cali "Mire" USA
65. Drs Seynab Axmed Cali USA
66. Drs Sahra Axmed Cali EUROPE
67. Eng Maslax Axmed Cali USA
68. Fuaad Cali C/maan USA
69. Bashiir Mire Cali USA
70. Xuseen Weheliye USA
71. Comar Mox'oud Xalane USA
72. Liibaan Axmed Cali USA
73. Mox'ed Axmed Cali USA
74. Zakariye Mox'ed Cali USA
75. Jaylaani Shekh Cali USA
76. Seynab Shekh Cali EUROPE
77. Nasra Axmed Cali EUROPE
78. Axmed Macallin Idaajaa USA
79. Drs. Saynab Maxamed Xasan USA
80. Axmed Cabdulahi Gacal USA
81. Cabdi Warsame Maxamud CANADA
82. Sh. maxamud Warsame Maxamed CANADA
83. Cabdulahi Maxamed Cali(Shutale) USA
84. Maxamed Cali Geedi USA
85. Cabdicasiis Cumar Maalim EUROPE
86. Cusmaan Xuseen Dhuunte EUROPE
|