|
Wafdi
ka socda EU oo maanta tegaya Soomaaliya, guddoomiye Shariif oo shalay
gaaray Nayroobi iyo dagaalka ciidamada Itoobiya iyo kuwa maxaakiimta
oo qarka u saaran in uu si buuxda u qarxa. Ruunkinet 20/12/06
Wafdi ballaaran oo ka socda beesha EU-da ayaa la filayaa in ay maanta
booqasho ku tagaan Soomaaliya.
Wafdigan oo ka baxaya magaalada Nayroobi ayaa la filayaa in ay tagaan
magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.
Warka ayaa intaasi ku daraya in wafdigani ay doonayaan in ay baajiyaan
dagaal ka dhex dhaca ciidamada Itoobiya iyo kuwa maxaakiimta oo qarka
u saaran in dagaal baallaaran dhex maro dhawaan.
Sidoo kale,waxaa shalay dagaal goos goos ah ku dhex maray degaanka
idamale ee gobolka Bay cidamada Itoobiya iyo kuwa maxaakimta ayadoo
ay warar aan la xaqiijin sheegayaan in ciidadama Itoobiya halkaasi uga
dhintay hal askari mid kalane uga dhaawacmay.
Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamanka ee dowladda federaalka ah
ee Soomaaliya xildhibaan Shariif Xasan ayaa shalay tagay magaalada Nayroobi
ee dalka Kenya.
Guddoomiya Shariif oo ka soo laabtay dalka Yeman ayaa safar gaaban
ku soo maray dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Dubai.
Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London
|