|
4
xildhibaan oo ka mid ah 26kii xildhibaan ee Madaxweyne Yuusuf codsaday
in ay dowladda Kenya xirto oo xabsiga la dhigay (magacyadooda iyo beelahdooda)
iyo Contact Group oo ga'aanno ku gaaray magaalada Nayroobi. Ruunkinet
05/01/06
4 ka mid ah 26ka xildhibaan ee uu madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ka
codsaday dowladda Kenya in ay xabsiga dhigto oo maanta la soo xirxiray.
4ta xildhibaan oo isugu jira 2 haweyn ah iyo labo rag ah oo magacyadooda
iyo beelaha ay ka soo jeedaan kala yihiin Sheekh Jaamac (Jareer Weyney),
Shiino (Tumaal), Suuri (Isaaq) iyo Seynab (Ciise) ayaa la sheegay in
ay hotelkii ay deggenaayeen maanta kala bexeen saraakiil ka tirsan nabad
sugidda dowladda Kenya.
Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in ay jiraan qoraal u soo saaray
madaxweynaha Soomaaliya 26 xildhibaan oo uu doonayo in la xiro asagoo
ku tilmaamay in ay aaminsan yihiin fikradda Guddomiye Shariif Xasan.
Warar aan la xaqiin ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo ra'isul wasaaraha
ay doonayaan in la laayo ama la xirxiro xildhibaannada ka soo horjeeda
fikirkooda.
Dhanka kale, Mas'uuliyiin ka tirsan beesha caalamka loona yaqaan
Contact Group ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Nayroobi.
Mas'uuliyiintan ayaa la sheegay in ay go'aan ku gaareen 3 qodob
oo ay ka mid yihiin:
In ciidamada Afrikaanka ah la keeno Soomaaliya.
In Beesha Caalamka ay taageerto dowladda federaalka ah iyo
In la dhex dhexaadiyo maxaakiimta iyo dowladda federaalka ah laguna
dhameeyo wada hadal.
Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London
|