|
Prof.
Cali Geeddi oo ka badbaaday qarax lala beegsaday goor dhow. Ruunkinet
03/06/07
Waxaa dhawaan lala beegsaday qarax aad u weyn ra'isul wasaaraha
dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Ra'isul wasaaraha ayaa la sheegay inuu marayay meel aan ka fogeyn
isbitaalka Laasareedi ee wuqooyiga magaalada Muqdisho.
Warka ayaa intaasi ku daraya in ay ku dhinteen qaraxaasi qaar ka
tirsan ilaalada ra'isul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya
oo la socday kolanyo daadihineysay ra'isul wasaaraha.
Qaraxyada iyo toogashaya lala beegsanaya madaxda iyo mas'uuliyiinta
dowladda federaalka ah ayaa ku sii badanayay magaalada Muqdisho maalmiyii
la soo dhaafay ayadoo la dilay qaar ka mid ah guddomiyeyaasha gobolka
Banaadir.
Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London
|