|
Madaxweyne
Yuusuf oo doonaya in uu dib u dhigo Motionka ansixinta golaha wasiirada
iyo xildhibaan Xasan Abshir oo raba in uu la wareego jagada madaxweynaha
Puntland. Ruunkinet 04/12/07
Wararka ka immaanaya magaalada Baydhabo ayaa ku waramaya inmadaxweynaha
dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu qorsheynayo barnaamij dib loogu
dhigayo ansixinta golaha wasiirada cusub.
Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa la sheegay in uu ku raja xun yahay
in la ansixiyo dowladda cusub ayadoo ay durba bilaabeen in wasiiradii
uu soo dhisay qaarkood ay is casileen inta aan la gaarin kuwa mucaaradka
ah.
Qorshaha madaxweynaha ayaa la sheegay in ay ka mid tahay in barlamaanka
muddo la fasaxo asaga iyo ra'isul wasaarahana ay safar dibadda ah aadaan
si loo kala furfuro golaha baarlamaanka kuwooda ka soo horjeeda ansixinta
golaha wasiirada ama la daaliyo.
Sidoo kale, waxaa jira qaar ka tirsan golaha baarlamaanka oo si
weyn u doonaya in maanta la keeno baarlamaanka motion si ay ugu codeeyaan
riditaanka xukuumadda cusub.
Dhanka kale, warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay magaalada
Garowe ee Puntland ayaa tibaaxaya in xildhibaan Xasan Abshir uu u ol
oleynaya sidii looga dhigi lahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland
ee uu xukumo Cadde Muuse.
Xasan Abshir ayaa oo markii hore doonayay in laga dhigo wasiirka
maaliyadda ayaa la sheegay in uu jagada madaxweynaha Puntland u hanqal
taagay kadib markii uu arkay in jufadiisa aysan wax weyn ka ahelin dowladda
federaalka ah iyo tan Puntland asagoo ku andacoonaya in jagooyinka sare
ee labada maamul ay qaateen Cabdullahi Yuusuf iyo Cadde Muuse.
C. Cali, Ruunkinet, London
|