|
Ra'isul
wasaare Nuur Cadde oo ku laabtay xalay Nayoobi iyo madaxweyne Yuusuf
oo ay daweyntiisa billaabatay. Ruunkinet 11/12/07
Ra'isul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Col. Nuur
Cadde ayaa xalay ku laabtay magaalada Nayroobi.
Col. Nuur Cadde oo ka duulay garoonka Heathrew ee magaalaada London
kadib markii uu hal maalin joogay magaaladan ayaa ka soo laabtay shir
madaxeedkii magaalada Lisbon ee dalka Botuqiiska.
Dhanka kale, madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Col.
Cabdullahi Yuusuf oo dhawaan soo gaaray magaalada London ayaa waxaa
uga billowday baaris caafimaad Isbitaaka Crompwel oo ku yaal magaalada
London.
Madaxweyne Yuusuf oo caafimaad darro loo geeyay Nayroobi hospital
dhawaan ayaa la sheegay in uu magaalada London kula kulmay dhaqtarkisa
gaar ah.
C. Cali, Ruunkinet, London
|