|
Khilaaf
dhaqaale oo la sheegay in uu soo kala dhex galay labada Shariif ee ugu
sareysa Ibahaysiga Asmara iyo qaar ka tirsan golaha wasiirada oo ka
cabanaya in howshooda ay dadkale wadaan. Ruunkinet 24/02/08
Warar aan la xaqiijin oo ka imaanaya qaar ka tirsan mas'uuliyiita Isbahaysiga
dib u xureynta ee magaalada Casmara ayaa ku waramaya in khilaaf weyn
soo kala dhex galay Sheekh Shariif iyo Shariif Sheekh Adan oo ah labada
nin ee ugu sareysa isbahaysiga dib u xureynta ee dhawaan lagu aasaasay
magaalada Casmara.
Khilaafka labada mas'uul ayaa la sheegay in uu ku saleysan yahay
dhaqaale loogu tala galay isbahaysiga oo ah mucaawino ay ka heleen dalal
iyo shaqsihaad.
Dhanka kale, warar lagu kalsoon yahay oo ka imaanaya mas'uuliyiin
ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaliya ayaa sheegay in qaar ka
tirsan goloha wasiirada ay ka cabanayaan howshooda oo ay qabanayaan
mas'uuliyiin kale.
Howlaha ay ka cabanayaan mas'uuliyiintan ayaa la sheegay in ay ka
mid yihiin how gallada qaar ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka
ah ay ka sameynayaan magaalada Muqdisho iyo meelo kale.
Warka ayaa intaasi ku daraya in ay ka cabanayaa mas'uuliyiintan
in weeeraro ay qaadaan ciidamda dowladda ayagoon la ogeysiin ayna ka
dhageystaa idaacadaha dibadda iyo kuwa gudaha howl gallada ka socoda
goobo ka mid ah magaalada Muqdisho.
C. Cali, Ruunkinet, London
|