|
Warar
Goosgoos ah: Ruunkinet 20/12/2009
Weeraro xalay iyo maanta Muqdisho ka dhacay
Xaaladda magaalada Muqdisho, ayaa maanta ah mid degan ka dib shalay
iyo xalay markii ay ka dhaceen madaafiic iyo musiibo dab ah oo ka kacay
goob shidaalka lagu iibin jiray agagaarka KM5 ee magaalada Muqdisho.
Madaafiic xalay ku dhacday qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag,
ayaa waxay sababtay geerida laba ruux oo rayid ah iyo dhaawaca afar
kale, sida ay dad deegaanka sheegay.
Madaafiicda ayaa waxa is weydaarsaday ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka
dowladda ka soo horjeeda ee mucaaradka.
Ma jirto cid ka hadashay madaafiicdaasi dhacday ee dhinacyadii madaafiicdii
is weydaarsaday.
Dhinaca kale laba ruux ayaa ku dhimtay afar kalena way ku waxyeelloobeen
dab xoogan oo shalay galinkii dambe ka kacay agagaarka Zoobe ee KM5
magaalada Muqdisho.
Dabka, ayaa ka kacay meel shidaalka lagu iibiyo, waxana uu ahaa mid
xoogan oo qasaaraha nafeed ka sakow sababay qasaare kale oo hantiyeed.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladd kmg ah ee
Soomaaliya, ayaa si weyn uga qeyb qaatay daminta dabkaasi kacay.
Afhayeenka ciidamada AMISOM, ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay ku
shaqeystaan meelo muhiim ah oo suura gal ka dhigi karaysa marka ay dhibaato
dhacdo in si deg deg ah loogu soo gurmado.
Dhinaca kale kooxaha mucaaradka ayaa madaafiic ku tuuray xarun ay ka
socotay xafladda maalinta aas'aaska booliska Soomaaliyeed.
Lama sheegin qasaare ay reeben madaafiicdaasi, waxase la tilmaamay in
madafiic kale oo jawaab ah ay iyana ku dhacday suuqa Bakaaraha taas
oo in muddo ah hakisay ganacsigii suuqa.
Xafladda munaasabada booliska oo dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal
Kaahiye ka socotay, ayaa waxa ka qeyb galay wasiiro, saraakiil ciidam
iyo tiro ciidamo boolis ah oo aad u fara badan.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo Hiiraan gaaray & dhaq dhaqaaq ciidan oo
socda
Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoogan ayaa laga dareemaya duleedka Baladweyne
ka dib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badan ay soo gaareen
Isgoyska Kalabeyr ee degmada Jawiil gobalka Hiiran maalintii shalay.
Ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, ayaa waxay fariisimo ka
sameysteen deegaanka Kalabayr, waxayna dhufeysyo ka qoteen Kalabeyr,
sida dad deegaanka ah ay sheegayaan.
Maamulka Xisbul Islaam ee Baladweyne, ayaa sheegay inay la dagaallami
doonaan ciidamadaasi haddii aanay ka bixin deegaanka Kalabeyr oo ay
soo galeen.
Sidoo kale ciidamo kale oo xoogan ayaa iyana fariisimo ka samaystay
degmada Ballanballe ee gobalka Galgaduud shalay, kuwaas oo aan ujeedkooda
la ogeyn.
Dowladda Itoobiya ama tan Soomaaliya ayaanay wali ka hadlin soo galintaanka
ciidamada Itoobiyaanka gudaha dalka Soomaaliya mar kale.
Dagaalkii Dhooblay oo ONLF ka hadashay
Jabhadda ONLF ee ka dagaallanta dhulka ismaamulka Soomaalida ee
Itoobiya ayaa beenisay inay la dagaallameen ururka Alshababa oo shalay
sheegtay ururkaasi inay ONLF kula dagaallameen qeybo ka mid ah gobalka
Jubada Hoose.
Dagaal shalay ka dhacay deegaanka Cali Boollaay oo in ka badan 25 KM
u jirta degmad Dhooblay ee xadka ku taalla, ayaa la sheegay in uu u
dhaxeeyay maleeshiyaad uu watay Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe)
iyo kuwa Alshabab oo gobalka maamula, kwuaas oo khasaare nafeed sababay.
Sarakiil laba dhinac ukala hadashay ayaa sheegtay in dhinac kasta uu
guul ka gaaray dagaalka.
Afhayeen u hadlay Alshabaab ayaa sheegay in dagaalka ay la galeen maleeshiyaad
ONLF ka tirsan oo gacan siinaayay Axmed Madoobe sida ay hadalka u dhigeen.
Sarkaal ONLF u hadlay oo sheegay in uu ku sugan yahay Juubooyinka ayaa
beeniyay sheegashada Shabaab. Sarkaalkaasi ayaa diiday in magaciisa
la shaaciyo, waxase uu sheegay inay san shaqo ku laheyn dagaalka dhacaya.
Axmed Madoobe, ayaa ka mid ah ururk Xisbul Islaam, iyadoo maleeshiyadii
uu watay sarkaalkaasi lagaga awood roonaaday dagalkaasi ka dhcay Jubooyinka.
Maxaabiis u xirneyd Mareykanka oo Hargeysa
la geeyay
Magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland, waxa maanta gaaray laba
ruux oo halkaas ka soo jeeda kuwaas oo sanado badan u xirnaa dowlada
Mareykanka kadib markii lagu eedeyay inay xariir la lahaayeen Alqaacidda.
Labada ruux oo lakala yiraahdo Maxmed Suleymaan Barre iyo Ismaaciil
Maxmed Carrale, ayaa laga kala qabtay dalalka Jabuuti iyo Pakistaan
sanado ka hor.
Labadan ruux ayaa ku jiray xabsiga Guwantanamo Bay ee jasiiradda Kuuba
ee Mareykanku xabsigaasi maamula.
Garoonka Hargeysa oo dadkan laga dejiyay, ayaa waxa halkaas ku sugaayay
Haweeney qareen u aheyd dadkan oo Mareykan ah.
Max'ed Saleymaan, ayaa xabsiga ku jiray siddeed sano iyadoo Ismaaciilna
uu seddex sano xirnaa.
Max'ed waxa laga xiray Pakistaan oo uu 17 sano macalin ka ahaa.
Sii deynta dadkan ayaa timid markii lagu waayay wax caddeymo ah oo muujinaya
inay xiriir la lahaayeen Alqaacidda.
Ruunkinet/C/rashiid Rashka
|