|
Taageerayaasha
madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ee ku nool dalka Ingriiska oo doonaya in
BBC-da laabteeda AfSoomaaliya loo dhiibo shaqsi aan ka tirsanayn beelaha
USC-da. Ruunkinet 30/01/07
Tageerayaasha madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ee ku nool dalka Ingriiska
ayaa qaban qaabinaya mudaaharaad ay ku diidan yihiin Yusuf Garaad oo
ah madaxa BBC-da laateeda AfSoomaaliga.
Taageerayaashan oo la sheegay in ay soo kireeyeen gawaari waaweyn
oo dadka ka soo qaada xaafadaha ay ku badan yihiin taageerayaasha madaweynaha
ayaa qeybiyanaya qoraallo ay dadka ugu sheegayaan in laga soo qeyb galo
bannaan bax ay doonayaan in lagu hordhigo daarta Bush House ee BBC-da
laateeda AfSoomaaliya ku taal.
Warka ayaa intaasi ku daraya in ay doonayaan qaban qaabiyayaasha
mudaaharaadkan in xilka laga qaado mudane Yuusuf Garaad Cumar ayadoo
qaarkoodna si bareer ah ay u sheegayaan in laanta AfSoomaaliya ee BBC-da
aan marna loo dhiibin shaqsi ka soo jeeda beesha USC.
Sidoo kale, dad badan oo ka tirsan taageerayaasha madaxweynaha ayaa
la filayaa in ay ka immaan doonaan gobollada u dhow dhow London si ay
uga qeyb galaan bannaan baxan ballaaran oo lagu diidan yahay Yuusuf
Garaad.
Madaxda sare ee BBC-da ayaa la sheegay in ay aad ula dhacsan yihiin
howsha uu Yuusuf Garaad u hayo laantaasi lagana yaabo in mudaaharaadkan
uu sii kordhiyo sumcadda uu Yuusuf Garaad ku leeyahay laataasi.
C. Cali, Ruunkinet, London
|