|
Shir
ballaaran oo ay isugu yimaadeen beelaha Hawiye oo shalay ka dhacay magaalada
London. Ruunkinet 02/04/07
Shir aad u ballaan oo ay isugu yimaadeen aqoon yahanno, wax garad,
odayaal dhaqaqeed, culumaa'u diin iyo dhalin yaro firfircoon ayaa shalay
lagu qabtay xaafadda Tottenham ee wuqooyiga magaalada London.
Ugu horeytii waxaa halkaasi ka hadlay beesha Karanle (Murasade)
oo ayadu gogosha dhigtay ayadoo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen dadkii
faraha badnaa ee shirkaasi ka soo qeyb galay.
Beesha Murasada ayaa sheetay sababta ay gogosha u dhigeen in ay
ugu weyn tahay sidii ay beelaha Hawiye uga tashan lahaayeen dhibaatada
sida gaarka ah u haysata beelahooda.
"Waa u jeeddii waxa dhacaya mana mudna in laga aamuso",
ayuu yiri nin lagu magacaabo Shiine oo ka soo jeeda beesha Murasade.
Shirkaasi oo si habsami ah u socday ayaa waxaa ka soo qeyb galay
beelaha Muddullood, Habargedir, Duduble, Gaaljecel, Gugundhabe, Xawaadle
iyo beelweynta Sheekhaal iyo beesha Murasade ee ayadu gogosha dhigtay.
Dadka shirkaasi ka qeyb galay ayaa waxaa ka muuqatay xamaasad aad
u sareysay ayagoo u arkayay dagaalka Xamar ka soconaya in uu yahay mid
loogu tala galay in lagu xasuuqo beelaha Hawiye lana gumeeyo hadii laga
adkaado.
Ugu dambeytii ayaa waxaa ay isla garteen dadkii halkaasi ka soo
qeyb galay in lagu magacaabo guddi sare muddo saddex maalmood gudahooda.
Guddigaasi ayaa ka shaqeyn doono sidii taageero hiil iyo hooba leh
loogu garab istaagi lahaa guddiga beelaha Hawiye ee ka jira Xamar.
Sidoo kale, guddigan ayaa ka shaqeyn doono turxaan bixinta haddii
ay jiraan khilaaf Hawiye dhexdiisa ah ayadoo guddigaasi laga doonayo
in uu sameyeeyo jaaliyad weyn oo Beesha Hawiye leedahay xiriir caalami
ah oo guudna u sameeya.
Guddigan ayaa sidoo kale soo qaban qaabinaya shirweyne aad u ballaaran
oo deg deg ah oo ay yeeshaan beelaha Hawiye ee UK.
C. Cali, Ruunkinet, London
|